Baydhabo (Raxanreeb) — Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo hadal ka jeediyay Baydhaba ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleed kasoo cusboonaaday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Laftagareen, ayaa sheegay in dagaalkaasi uu u dhaxeeyo laba maleeshiyo oo huuwan magac qabiil kuwaas oo doonaya inay dhibaato ka geeystaan deegaanka
Laftagareen ayaa yiri “qabiil isma dagaalsanee laba mooryaan oo laba bah ah, waayay waxa is haysta”.
Sidoo kale Laftagareen, ayaa sheegay in labada dhinacba ay adeegsanayaan, kooxda Al-Shabaab, iyo dad kaloo dano gaar ah, leh.
“Nasiib darro aad u wayn waayay waxaan waligay maqlayna ma aha, waana dareemi karaa daruufta keentay dad dhalinyaro ah oo qori haysta oo nin walbaba uu isticmaalaayo oo Shabaabka uu isticmaalaayo oo kan xumaanta rabo uu isticmaalaayo inay maanta intay dad shacab ah dhexdiisa isu galaan is xabadeeyaan nasiib darro ayay tahay” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.
Madaxweyne Laftagareen ayaa eedeey culus u jeediyay Al-Shabaab, oo uu ku sheegay inay ka danbeeysay hurinta colaadda deegaankaasi.
“Dad mabda’a ay ku dagaalaayaan iyo waxa ay isku haayaan aan la garaneynin oo runtii ay soo adeegsadeen Shabaab waayay” ayuu yiri mar kale.
Eelaay oo aan islahayn Mirifle dhan ayuu ugu ilbaxsan yahay in maanta oo la joogo 2024-ta uu is dagaalo waa wax ceeb ah” ayuu yiri Laftagareen.
Ugu dambeyntii madaxweyne Cadicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ka hortagi doono xiisaddaasi, isla markaana uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono dadka ka dambeeyay dagaalkaasi ka dhacay Buurhakaba ee Gobolka Baay.