Garoowe (Raxanreeb ) Ciidamo gadoodsan ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo khamiis ah ay xirteen saldhiga magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Sida wararku ay sheegayaan ciidankan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan soo wajahday bilooyin badan taas oo keentay in maanta ay xanibaan shaqadii Saldhiga magaalada .
Ciidanka ayaa sidoo kale maanta waxa ay gabi ahaanba xireen waddooyinka magaalada Caasimada ah ee Garoowe halkaas oo laga maqlayo rasaas ay ridayaan ciidanka.
Waxa ay u badan yihiin ciidankan kuwa Boolis ah ,oo diiday in wax shaqa ah uu qabto maanta oo Khamiis ah Saldhiga magaalada Garoowe.
Saraakiil ka tirsan ciidanka gadoodsan ayaa sheegaya in aysan wax mushaar ah qaadan in ka badan 9 bilood islamarkaana aysan garanayn sababta loo siin waayay mushaarka iyo xuquuqda ka maqan.
Shalay sidan oo kale ciidamo ka gadoodsanaa mushaar la’aan ayaa xirtay waddooyinka magaalada Bosaaso ee gobolka Bari
Leave a Reply