DFS oo maanta soo bandhigtay qorshe ka dhan ah Jubadda Dhexe.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in seddax maamul goboleed ay ka bilaabi doonto howlgal ka dhan ah Al Shabaab.

Afhayeen u hadlay ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in si siman howlgal ay uga bilaabi doonaan , maamulada Jubbaland , Koonfur Galbeed & Hirshabeelle.

“Howlaglo Millateri baa todobaad gudihiis  ka bilaabanaya 3 Maamul Goboleed” sidaas waxaa sheegay Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gobolka Jubbada Hoose ayuu sheegay Afhayeenka in uu bilowday abaabulka iyo kacdoonka ka dhanka ah Al Shabaab oo ciidamadu ay isugu geeyeen Raaskanbooni halkaas oo ay ka bilaaban doonaan howlgalada.

“Marka aan dhamayno howlgalada ka socda gobolada kale Jubbada Dhexe waxa ay noqon doontaa halka ugu danbeeya ee aan gaari doono si Al Shabaab looga saaro ” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Cabdullaahi Caanood.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa ah meelaha ugu badan ee ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab iyo saraakiishooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan waxa ay ku celcelisay in Al Shabaab ay ka saari doonaan Jubbada Dhexe oo ay ku xooggan yihiin lama oga sida Dowladda ay ugu guulaysan doonto howlgalka Jubbada Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.