Hargeysa (Raxanreeb online) – Maamul goboleedka Somaliland, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh in uu ka dambeeyay duullaan ay ciidamada maamulka Khaatumo State ku qaadeen deegaanka Qorilugud ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.
Sidoo kale, War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in dagaalka ka socda deegaano hoostaga Buuhoodle yihiin duullaan laga soo abaabulay magaalada Muqdisho uuna yahay mid looga soo horjeedo doorashada ka dhaceysa deegaannada maamulkooda.
”Dagaalkan ayaa ah mid ay soo abaabushay kana soo shaqaysay dawladda ka dhisan Muqdisho, iyada oo ku doonaysa in lagu dhaawoco hannaanka Dumuqraadiyada iyo doorashooyinka ka socda Somaliland oo maalmo koobani ka hadhsan yihiin, waana dagaal uu ka danbeeyo Xasan Sheikh Maxamuud oo ka xun guulaha iyo horuumarka ay shacabka Somaliland” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Somaliland.
Dhanka kale, warka kasoo baxay maamulka Somaliland ayaana loogu caddeeyay beesha caalamka in dagaalka ka socda deegaannada hoostaga Buuhoodle yihiin kuwa ay ka dambeeyso dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh.
Siakstaba, dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa Khaatumo ayaa dhaliyay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ayna labada dhinacee dagaallamaya dagaalka ka sheegteen guulo.
Leave a Reply