Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay howlgal ka sameeyeen degmada Ruun Nirgood iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolkaasi.
Cabdi Taakow, taliyaha ciidamada Macawiisleeyda oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay cagta mariyeen goobo kooxda isku uruursanayeen oo halkaasi ku yaalla.
Taliyaha ayaa xusay sidoo kale in ay howlgalladan ku gaareen dhulka hawdka ah ee u dhexeeya deegaanka Daaru-nimca iyo degmada Ruun Nirgood, ayna isku fureen waddooyin halbowle u ah, deegaannadaasiboo muddo xirnaa.
“Waxaan howlgal qorsheysan kusoo qaadnay howdka degmada Ruun-nirgood annaga oo kasoo dhaqaaqnay Daarunimca, hadda meesha aan taaganahay waa waddada isku xirta Ceel Bacad iyo Ruun-nirgood waxaana soo marnay deegaano badan” ayuu yiri taliyuhu.
“Lix nin illaa sideed nin oo ka tirsan Khawaarijta ayaa ilaalisa koontaroolada ay meeshaan ku lahaayeen Al-Shabaab” ayuu yiri mar kale.
“Howdkan wax joogo oo laga cabsado ma joogaan, waxaan rabnaa inaan horkacno ciidanka Xoogga dalka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Taliyaha Macawiisleyda.
Xaaladda deegaannadaasi ayaa ah, mid kacsan iyadoo la dareemayo dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo iska soo horjeeda inkastoo hadda ay guulo sheeganayaan ciidamada Macawiisleeyda.
Dhanka kale majiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi lagu qaaday deegaannada ay kaga suganyihiin gobolka Shabeellaha Dhexe, Ruun-nirgood iyo Daaru-nimca oo dhammaanba hoostaga Shabeellaha Dhexe.