Muqdiaho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday dhacdadii xalay ka dhacday Degmada Howl Wadaag ee la xariirta dhisma ka kooban dhowr Dabaq oo soo dumay kaas oo ay ku geeriyoodeen inta la xaqiijiyay Hooyo iyo caruurteeda.
Guddoomiye Madaale ayaa warbixin la xariirta dhacdadaan ka wareestay kooxda gurmadka deg dega ah, maamulka degmada Howl Wadaag, iyo saraakiisha Amniga, waxa uuna faray si degdeg ah baaritaan rasmi ah loogu sameeyo sababta ka dambeysa in dhismahaan uu soo dumo.
Dabaqa dumay ayaa ku yaala Degmada Howl wadaag gaar ahaan Suuqa Bakaaraha, waxaana la sheegay in dhismo kale lagu darayay kaas oo markii dambe sababay in uu soo halkaasna uu ka dhasho qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.
Inta la xaqiijiyey burburka dhismaha waxaa ku dhintay saddex qofood oo ah Hooyo iyo laba Gabar kuwaas oo ku sugnaa guriga ay ku dumay dabaqa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar, kaas oo laga soo badbaadiyey burburka.