Madasha sama-tabixinta Soomaaliyeed oo diiday inay ka qeyb gasho gogosha uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka dowladda, ayaa iska diiday inay ka qeyb galaan gogosha uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, oo maanta lagu waday inay ka furmo Muqdisho.

Xoghayaha guud ee madasha Samatabixinta, Maxamed Aadan Koofi, ayaa sheegay in ay dhammaatay xiligii la fadhiisan lahaa gogol wadatashi, balse hadda loo baahan gogol si wadajir ah oo Soomaaliyeed ugu dhan tahay si xal loogu gaaro khilaafka hareeyay siyaasadda Soomaaliya.

Koofi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, aysan ku fileynin in ay doorasho Qof iyo Cod ah ku qabato gobollada dalka, waxa uu tusaalo u soo qaatay in shacabka magaalada Dhuusamareeb ay diideen inay qataan kaarka cod bixinta, taasina ay tahay caqabad jirta.

“Madashu diyaar uma ahan gogol ay Soomaali kamaqan tahay, diyaarna uma ahan inay ka qeyb gasho gogol lagu sii kala fogeenayo Soomaalida, Waqtigii wadatashiga wuu dhammaaday, waxa hadda ay Soomaaliya u baahan tahay waa wadahadal siyaasadeed oo dhab ah.” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Dr Koofi.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka ayaa sii xoogeysanaya iyada oo dowladda ay waddo wahadallo ay ku lee yihiin ururo siyaasadeed oo ka diiwangashan  guddiga doorashooyinka ee ay mucaaradka iyo maamulada qaar ee dowlad goboleedyada ay diidan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.