Madaxa sirdoonka Pakistan oo ka xanaaqay baaritaanka wariyihii lagu dilay Kenya

Madaxa sirdoonka Pakistan oo ka xanaaqay baaritaanka wariyihii lagu dilay Kenya

Pakistan (Raxanreeb) —  Madaxa hay’adda sirdoonka millatariga ee awoodda badan ee dalka Pakistan, ayaa dowladda Pakistan ku dhaliilay qaabka ay u maareysay dilkii Kenya looggu geystay wariye Arshad Sharif oo u dhashay Pakistan.

Isaga oo shir jaraa’id oo aan caadi ahayn ku qabtay xarunta ciidanka, Sarreeye Guuto, Nadeem Axmed Anjum, ayaa sheegay in wakaaladdiisa laga saaray baaritaannada.

Wuxuu ku eedeeyey mas’uuliyiinta dowladda hoose ee gobolka Khyber-Pakhtunkhwa inay ku qasbeen weriyaha inuu isaga cararo Pakistan, iyagoo u sheegay inay naftiisu khatar ku jirto.

Dhimashada Sharif, ayaanan wali kala caddeyn, kadib markii booliiska Kenya ay ka bixiyeen warbixinno is khilaafsan oo ku saabsan kiiska wariyaha.

Saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka Pakistan, ayaa loo diray Kenya, si ay gacan uga geystaan ​​baaritaanka dilka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.