Madaxda quwadaha dunida ugu weyn oo ka shiraya arrimaha xaasaasiga ah ee taagan

Madaxda quwadaha dunida ugu weyn oo ka shiraya arrimaha xaasaasiga ah ee taagan


Washington (Raxanreeb) — Madaxweyne Joe Biden ayaa markii ugu horreysay muddo sannad ah si fool-ka-fool ah ula kulmi doona Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping Arbacada soo socota, sida uu sheegay Aqalka Cad, iyagoo ka wadahadlaya dublamaasiyad heerkeedu sarreeyo oo lagu doonayo in lagu xakameeyo xiisadda u dhexeysa labada quwadood ee adduunka ugu awoodda badan.

Kulankan oo si dhow siha loogu wada hayo, dhici doono inta uu socdo shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha APEC) oo furmay magaalada San Francisco Bay, wuxuu socon karaa saacado, kaas oo sidoo kale ay ka qeybgali doonaan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka kala socda Beijing iyo Washington.

Waxaa la filayaa inay ka hadlaan arrimaha caalamiga ah oo ay ugu horreyso dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, duulaanka Ruushka ee Ukraine, xiriirka North Korea iyo Ruushka, arrinta Taiwan iyo guud ahaan gobolka Indo-Pacific, xuquuqda aadanaha, darooga fentanyl-ka, sirdoonka macmalka ah, iyo sidoo kale ganacsi ku dhisan caddalad, sida uu sheegay saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Biden.

“Waxba dib looma dhigi doono; wax walba miiska ayay saaran yihiin,” sida laga soo xigtay Sarkaal Mareykan ah oo diiday in magaciisa la xigto.

Saraakiisha Maraykanka, muddo sannad ah riixayay in shirkan la qabto, ayaa aaminsan in Beijing ay si firfircoon uga shaqaynayso sidii ay u wiiqi lahayd siyaasadda Maraykanka ee caalamka.

Reuters.