Netanyahu ” Falastiiniyiintu ma maamuli doonaan Gaza”

Netanyahu ” Falastiiniyiintu ma maamuli doonaan Gaza”

GAZA (Raxanreeb ) Markii uu soo baxay warka ku saabsan in Falastiniinta ay maamuli doonaan Gaza dagaalka ka dib waxaa arinkaas ka biyo diiday oo diiday Ra’iisulwasaaraha Israel Netanyahu.

Waxa  uu sheegay Ra’iisulwasaraha Israel in Gaza ay tahay meel ay maamuli doonaan Israel  dhulkaasna uu yahay mid iyaga  hoostagi doona ka dib dagaalka ka  dib.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday fikradda ah in Gaza ay noqoto magaalo ay maamulkeeda yeeshaan Falastiiniyiintu marka uu dhammaado dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa Arbacadii dajiyay shuruudo lagu dhisayo dowlad kadib dagaalka.

“Waa inay ka jirtaa dawlad ay Falastiiniyiintu hoggaamiso oo ka jirta marinka Gaza iyo Daanta Galbeed oo mideysan,” ayuu yiri Blinken.

Ciidamada Isra’iil ayaa wali sii wada duqeymaha xagga cirka ah ee ay ku hayaan Marinka Qaza, waxayna askartooda ku jiraan howlgallada dhinaca dhulka ah ee ka dhanka ah Xamaas.

Iska hor’imaadyadu way sii xoogeysanayaan, kumannaan Falastiiniyiin ahna waxay ka cararrayaan dagaallada, iyagoo u socda dhanka koonfurta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.