Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa laga helayaa xeebaha Bari ee maamul goboleedka Puntland, ayaa sheegaya in xalay kooxaha burcad badeedda Soomaalida, ay sii daayeen Markabka MV Abdullah, oo maalmihii lasoo dhaafay ay u haysteen afduub ahaan, kooxdaasi burcad badeeda.
Markabkan oo laga leeyahay dalka Bangladesh ayaa lagu sii daayay lacag madax furasho ah oo gaareysa illaa 5 milyan oo dollarka Mareykanka ah.
Burcada ayaa lasoo werinaya in lacagta madax furashada ahayd looga soo tuuray diyaarad Helikobter ah, kadibna ay sidaas kusii daayeen markabka.
Waxaa lasii daayay, dhammaan iyaga oo bad qaba shaqaalihii la socday markabkan oo gaarayay illaa 23 nin oo bad maaxiyiin ah.
Kooxaha burcad badeedda ayaa marka ay qaateen lacagta madax furashada ah, waxa ay qaarkood u carareen dhanka xeebaha, iyadoo ciidamada PMPF, ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah, kooxdaasi.
Markabka MV Abdullah, ayaa xilliga la afduubanayay dhuxul u siday dalka Imaaraadka Carabta, waxaana kooxaha burcad badeedda ay gacanta ku dhigeen 12-kii March ee sanadkan 2024-ka.
Dhacdadan, ayaa noqoneysa tii ugu horreysay lacag madax furasho burcad badeed u qaataan tan iyo sannadkii 2012-kii.
Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada Hindiya kuwa badda ay soo badbaadiyeen, Markabka MV Ruen oo isna madax furasho u haysteen burcad badeed Soomaaliya ah, kuwaas oo intoodaba nolosha lagu qabtay lana geeyay Hindiya iyagoo halkaasi lagu maxkamadeynayo.