Kyiv (Raxanreeb) — Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu doonayo inuu la kulmo madaxweynaha dowladda Shiinaha, Xi Jinping, si uu ugala hadlo qorshaha Shiinaha uu ku joojinayo dagaalka Ukraine.
Isagoo ka hadlayay munaasabadda dhamaadka hal sano ee ‘hawlgalka gaarka ah ee Ruushka’ ee ka dhanka ah Ukraine, Zelensky, ayaa wuxuu sheegay in qorshahan Shiinaha uu muujinayo inuu baadi goobayo hannaankii xal looggu nabadeed looggu heli lahaa dagaalka ka aloosan dalka Ukraine.
“Runtii waxaan rabaa inaan rumaysto in Shiinuhu uusan hub siin doonin Ruushka., ayuu yiri Zelensky.
Shiinaha ayaa soo bandhigay dhammaan dulucdiisu ahayd ‘Mawqifka Shiinaha ee xallinta xasaradda ka taagan dalka Ukraine’ Jimcihii, kaasoo uu kaga hadlay nabadda kusoo dabaalista dhibaatada Ukraine, iyadoo Shiinuhu uu sheegay in dhibaatadan lagu xallin karo wada hadal.