Dhuusamareeb ( Raxanreeb Online) Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa maanta qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Galmudug inay ka faa’iideystaan fursadaan oo ay iska diiwaan-geliyaan goobaha loo asteeyey,
Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee hay’adda NIRA ay bixiso uu qof kasta muhiim u yahay.
“Bulsho kasta oo caalamka ku nool waxay leedahay wax lagu aqoonsado dhalashadiisa muwaadinimo, adeeg kastana waxaa lagu bixiyaa aqoonsi, marka Kaarka Aqoonsiga Qaranka wuxuu muhiim u yahay qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, dadka reer Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay is diiwaan geliyaan,” ayuu yiri Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid.

Leave a Reply