Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho , si uu uga qeyb galo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.
Shalay waxaa muqdisho yimid Madaxweynaha hir-Shabeelle, waxaana lagu wadaa saacadaha soo socda in Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada inay soo gaaraan magaalada Muqdisho.
Shirka Golaha wadatashiga qaran ayaa la filayaa in uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimaha amniga, Dhaqaalaha iyo arrimaha Abaaraha ee kajira dalka.
Shirkan ayaa la filayaa in xoogga lagu saarayo xaaladda amni ee dalka ka jirta gaar ahaan dagaallada ka dhanka Ururka Al-Shabaab oo intooda badan ay keliya ku guuleysatay Hirshabeelle.
Sidoo kale shirkan ayaa loogu hadli doonaa xaaladda binia’adannimo ee ka jirta dalka ayadoo haatan ay jiraan abaaro adag kuwa oo galaaftay nolosha dad iyo duunyo.
Leave a Reply