Madaxweyne Xasan oo xarigga kajaray xarun muhiim u ah Shacabka Muqdisho

Madaxweyne Xasan oo xarigga kajaray xarun muhiim u ah Shacabka Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweymaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galabta xarigga ka jaray xarunta Kaydka Gaaska cuntada Soomaaliya kaas oo lagu magacaabo Banaadir Gas LTD.

Keydkan ayaa la sheegay inay ka qayb qaadanayso qorshaha looga hortagayo xaalufinta dhirta iyo nabaad-guurka deegaanka, shididda dhuxusha.

Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta Shirkadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay dowladda uga gacan siinayeen qorshaha ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ganacsatadu ay dowladda ka gacan siiyeen dib u dhiska dalka, isagoo dul istaagay sida ay bulshada uga haqabtireen kaalintooda.

Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed, ka dalbaday in gaaska la raqiisiyo si ay u wada isticmaalan dadka oo dhan.

“Waxaan ku dhiiri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh, ayaa ku adkeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed in ay awooddooda dhaqaale uga faa’iideyaan shacabka, isla markaana ay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud, ayaa dalbaday in dhammaan lawada gaarsiiyo gobollada dalka oo dhan.

Ugu danbeeyntii madaxweyne Xasan ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan haamahan gaas, lagu shubi doono gaas laga soo saaray dalka oo aan mar dambe lagu shubin gaas laga keenay dibadda.