Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport, oo laga hirgelinayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay horumarka iyo isku xirnaanta dalka, gaar ahaan dhanka duulista hawada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in garoonkan uu noqon doono mid casri ah oo si buuxda ugu adeegaya bulshada Soomaaliyeed iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in mashruucan oo ay hirgelin doonto shirkad Soomaaliyeed uu muujinayo dib u kabashada dalka iyo awoodda shacabka Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay gacanna ku xoreeyaan deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixiaadu, gacanta kalena lagu dhiso kaabeyaasha iyo bilicda dalka.
Leave a Reply