Iiraan oo mar kale cabsi ka qabta Mareykanka digniinna jeedisay

Iiraan oo mar kale cabsi ka qabta Mareykanka digniinna jeedisay

Tehran ( Raxanreeb Online) Mareykanka waa in uu meesha ka saaraa weerar kale oo ka dhan ah Iran haddii uu doonayo in uu dib u bilaabo wadahadalka diblomaasiyadeed, waxaa sidaa uu sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iiraan.

Majid Takht-Ravanchi waxa uu sheegay in maamulka Trump uu u sheegay inuu doonayo inay Iran ku soo laabtaan wada xaajoodka, laakiin “ma aysan cadeyn mowqifkooda” ku saabsan “su’aasha aadka muhiimka u ah” ee weeraro kale inta ay socdaan wadahadalo.

Hawlgalka militariga Israel, oo bilowday saacadihii hore ee 13-kii June, ayaa meesha ka saaray wareeggii lixaad ee wadahadalada aan tooska ahayn ee lagu waday in ay ka dhacaan Muscat laba maalmood ka dib.

Maraykanka ayaa si toos ah ugu lug lahaa dagaalkii u dhexeeya Israa’iil iyo Iran todobaadkii hore markii uu duqaymo la beegsaday saddex goobood oo Nukliyeerka ah.

Takht-Ravanchi waxa kale oo uu sheegay in Iran ay “ku adkaysan doonto” inay awood u yeelato inay tayayso uraniumka waxa ay ku sheegtay ujeedooyin nabadeed, isaga oo diiday eedaymaha ah in Iran ay si qarsoodi ah ugu socotay horumarinta bamka Nukliyeerka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.