Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ka sagootiyay Danjirahii Shiinaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ka sagootiyay Danjirahii Shiinaha

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan sagootin ah, la yeeshay Danjirahii Shiinaha u fadhiyay dalkeenna, Fei Shengchao, kaas oo uu dhammaaday muddo xileedkiisii diblumaasiyadeed, ee uu ka joogay dalka.

Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Danjire Fei doorka, uu ka qaadatay adkeynta xiriirka labada dal iyo kobcinta iskaashiga faca weeyn ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Maxaweynaha Soomaaliya, ayaa xusay sida shacabka Soomaaliyeed usoo dhoweeyneen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu joogay dalka.

Dhanka kale, Danjire Fei Shengchao, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, kulanka sagootinta ah, ee ugu sameeyay Madaxtooyada Qaranka.

Safiirka, ayaa tilmaamay xusuusta wanaagsan ee uu ka haysto shacabla Soomaaliyeed, iyo dowladdooda uu muddada dheer uu ku sugnaa dalkooda.

Dowladda Shiinaha, ayaa ka mid ah, dowladaha sida dhow ula shaqeeya dowladda federaalka Soomaaliya, sidoo kalena Shiinaha uu ka mid yahay saaxiibbada ugu weyn ee Soomaaliya, ay leedahay waana soo jireen xiriirka adag ee labada dal.

Safiirada dalka Shiinaha ee Soomaaliya, ka howlgala oo mid kasta muddo-xileedkiisu yahay labo sano ayaa dalkaan ka taga iyagoo qiraya saaxiibtinimada iyo wanaagga Soomaalida.

Ugu danbeeyn dalka Shiinaha ayaa Soomaaliya, u arka dal Istaraatiiji u ah, ku haboon saaxiibtinimada, sidoo kalena dalka Shiinaha ayaa daneynaya in geeska Afrika, uu ku yeesho dhaqdhaqaaq muuqda, halka fursadaas uu ka heli karana waa dalka Soomaaliya.