Madaxweyne Xasan Sheekh oo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi kala hadlay faragelinta Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi kala hadlay faragelinta Itoobiya

Muqdisho ( Raxanreeb) Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado sharaf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda Federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee dalka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ku bogaadiyay doorkooda isku haynta bulshada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Itoobiya ay kordhisay damaceeda ku aadan sidii ay ku heli laheyd qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.