Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay ergayga cusub ee Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay ergayga cusub ee Midowga Afrika

Muqdisho (Raxanreeb) — Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Mohammed El-Amine Souef, ayaa maanta oo warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Soomaaliya. , Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjire Souef oo saxaafadda la hadlay kulanka albaabada u xirnaa ka dib ayaa aad ugu riyaaqay rajada laga qabo in wada shaqeyn dhow ay dhex marto ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (ATMIS) iyo dowladda federaalka Soomaaliya (DFS) si loo soo celiyo amniga iyo xasiloonida dalka.

“Kulanku wuxuu ahaa mid miro dhal ah. Waxaan diiradda saarnay waajibaadka howlgalka iyo sida aan si dhow u wada shaqeyn karno. Waxaan ka wada hadalnay nooca taageerada aan Soomaaliya ku siin karno nabadda, amniga, iyo xasilloonida, iyo wadashaqeynta aan ka raadin karno maamullada Soomaaliya si aan u fulinno waajibaadkeena,” ayuu yiri danjire Souef.

Danjire Souef ayaa sheegay in uu xaqiijinayo in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in ay la shaqeeyaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si loo ballaariyo awoodda dowlad goboleedyada iyo hay’adaha dowladnimada iyo soo celinta xasilloonida dalka oo dhan.

“Midowga Afrika wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo Soomaaliya si uu u taageero dalalka kale ee Afrika,” ayuu hadalkiisa ku daray danjire Souef.

Danjire Souef ayaa yimid Muqdisho 19kii Noofambar 2022 si uu si rasmi ah ula wareego xilkiisa SRCC iyo Madaxa ATMIS.

Leave a Reply

Your email address will not be published.