Madaxweyne Xasan oo u safray dalka Eritrea

Madaxweyne Xasan oo u safray dalka Eritrea

Asmara (Raxanreeb) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka degay caasimadda Asmara ee dalka Eritrea, halkaasoo uu ka billaabayo booqasho rasmi ah.

Ulajeedka safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu yahay safar shaqo sida ay daabacday madaxtooyada dowladda federaalka Soomaaliya, walow aysan ka bixin faah faahin dheeraad ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara kusoo dhoweeyay madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki, sidoo kalena loo galbiyay madaxtooyada dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safarkiisa lagu sheegay in labo maalin uu ku joogi doono Asmara, iyadoo labada dal ay ka wada hadli doonaan arrimo badan.

Wasaaradda Warfaafinta ee Eritrea, ayaa sheegtay in labada madaxweyne ay kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal arrimaha gobolka iyo caalamka ee dan ugu jirto kabada dowladood.

Safarkan ee madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa imaanaya iyadoo ay jirto xiisad xooggan oo ku aaday heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ku galeen Addia Ababa Itoobiya kaas oo ahaa in 20km la siiyo Itoobiya.

Soomaaliya, ayaa si xooggan uga hortimid is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya, waxayna u yeeratay safiirkeeda Addis-Ababa.

Dhanka kale Safiirkii Itoobiya u fadhiyay dalka Soomaaliya, Mukhtaar Maxamed Waare, ayaa isaga baxay magaalada Muqdisho, isagoo ku laabtay dalka Itoobiya.

Danjirahan, ma cadda in ay cayrisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo in ay u yeertay dowladda Itoobiya.

Ma jirto wax war ah, oo kasoo baxay labada dal Soomaaliya, iyo Itoobiya ka bixitaanka Soomaaliya, ee danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

Si kastaba hasa yeeshee Soomaaliya, ayaa taageero lexaad leh iyo garab istaag xooggan ka heshay waddamo badan oo uu ku jiro Mareykanka Uk iyo wadamada carabta qaarkood, sida Masar.