Muqdisho (Raxanreeb ) Xukuumadda uu hoggaamiye Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre waxaa ka baxay seddax wasiir kuwaas oo ilaa iyo hadda aan la buuxin boosaskooda.
Wasaaradaha ilaa iyo hadda aan lahayn wasiiro waxaa ka mid ah Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ,Wasaarada haweenka iyo xuquul Insaanka iyo Wasaaradda amniga gudaha.
Wasiirkii arrimaha Arrimaha dibada Abshir Huruuse ayaa xilka iska casilay ka dib markii u jihaystay , doorashadii Puntland ee markii dambe loogu itaal roonay oo uu kala soo kulmay guul-darro.
Waxaa sidoo kale la bedelay oo safiirka Qatar laga dhigay Wasiir Maxamed Axmed Doodishe waxaana wali aan la buuxin booskii uu laga bedelay wasiirkaas oo ahaa xil muhiim u ah xukuumadda Soomaaliya.
Wasiir Khadiijo Diiriye oo ku geeriyootay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa banaan boobkii ay ka geeriyootay , waxaana howlaha sii wada xubnaha kale ee Wasaradda.
Dhamaan boobsakaas banaan ayaa ahaa kuwo muhiim u ah howlaha shaqo ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , loona baahnaa in si deg deg ah loo buuxiyo.
Si kastaba waxaa muuqanaysa in sedaxdaas wasaaradooda ay u ahaayeen xukuumada Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare laf dhabar shaqada xukuumadda Soomaaliya.
Leave a Reply