Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u guuray guri dhawaan looga diyaariyay Xaafadda Mirinaayo Degmada Cabdi Casiis ee Gobalka Banaadir si uu halkaas uga soo hogaamiyo Banaanbaxa Berri ka dhici doona Caasimada dalka.
Guuritaanka Madaxwaynaha ayaa waxa uu ka mid yahay qorshe ay dajisteen mucaaradka waxaana la filayaa in xubno kale ay qaybo ka mid ah magaalada ay iyagana degaan .
Mirinaayo waa Saldhigii ugu waynaa Bad-Baado qaran ayna wada deganaayeen xiligii dowladdii hore Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Sheekh Shariif oo xiligaas mucaarad wada ahaa.
sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo Senator Cabdi qeybdiid, ayaa dhankooda wada abaabulkii ugu dambeeyay ee banaanbaxa, waxa ayna ay shegeen in dowladda ay uga digayaan in wax yeelo u geysato dadka sida nabada ah u banaanbaxayo.
Geesta kale dowladda ayaa waddooyinka muhiimka ah ee magaalada,soo dhoobtay ciidamo fara badan kuwaasi oo loogu talagalay in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqa xubnaha mucaaradka loogana hortago in banaanbaxa uu berri ka dhaco 24-ka goobood ee mucaaradka shaaciyeen inuu banaanbaxa ka qabsoomi doono.
Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply