Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nuceeymi , iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Safiirka la-wadaagay dadaallada dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-dhiska dalka iyo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgalinta doorashooyin dadweyne oo ka qabsoonta dalka.
Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha horumarineed iyo garab istaagga midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey doorka ay ka qaadato dawladda Qatar, amniga iyo gargaarka bini’aadantinimo.
Danjire Abdullah bin Salem, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, qaabilaaddiisa, isaga oo xusay in dowladda Qatar ay garab taagantahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya midnimadeeda iyo wadajirkeeda iyo xoojinta iskaashiga buuxa ee ka dhexeeya labada dal.

Leave a Reply