Dowladda oo waddooyinka muhiimka ah soo dhoobtay ciidamo badan iyo babaanbax mucaaradka oo..

Dowladda oo waddooyinka muhiimka ah soo dhoobtay ciidamo badan iyo babaanbax mucaaradka oo..

Muqdisho (Raxanreeb Online) Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saakay deggan, waxaana weli soconaya abaabulka banaanbaxa ay wadaan mucaaradka kaasi oo ka dhici doona inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Hayeeshe dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo badan soo dhoobtay waddooyinka muhiimka ee magaalada, kuwaasi oo xakameynaya dhaq-dhaqaaqa gadiidka iyo shacabka.

Ciidamada ayaa lagu arkaya waddooyinka Seybiyaano, Banaadir, KM4, Taleex, Shaqaalaha iyo kuwo kale oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ciidamada baarayaan dadka saaran gaadiidka.

Geesta kale dowladda Soomaaliya ayaa gadiid dagaal iyo ciidamo badan hordhigtay guryaha ay deggan yihiin mucaaradka, waxaana xaalada ay u muuqata mid adag oo ay dowladdu dooneyso in ay ku joojiso banaanbaxa mucaaradka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.