Mala qanciyay saraakiishii diidana Madaalle maxase ka socda Muqdisho ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Xasaasiyad ayaa ka dhalatay marka magaalada Muqdisho la joogo magacaabista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaalle.

Laba beelood oo ka mid ah kuwa dega magaaalada Muqdisho ayaa waaydanba waxa u dhaxeeyay hardanka ku saabsan in Kursiga Guddoomiyaha gobolka Banaadir ay ku fadhistaan.

Markii Madaxwaynaha Dowladda Federaalka uu soo magacaabay Guddoomiye Yuusuf Madaalle waxa cirka isku shareeraray cabashada laga qabo Guddoomiyahan oo isku xuluf ay yihiin Madaxwayne Xasan Sheek Maxamuud.

Beelaha qaar ayaa sheegay in Madaxwaynaha uu ugu baxay balan hore ugu qaaday , oo ahaa in iyaga uu siinayo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Odayaal dhaqan oo maanta oo Khamiis ah ku kulmay magaalada Muqdisho oo ay weheliyaan saraakiil ciidan kuwaas oo aad ugu caraysan talabaada uu qaaday Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay maanta guriga xildhibaan Cusmana Xaadoole ee degmada Kaaraan ayaa waxaa ku suganaa saraakiil ay ka mid yihiin Korneyl Masdile iyo Yaasiin Geedi oo kasoo jeeda beesha Galmaax iyo xildhibaan Yaasiin Farey iyo Maxamed Cajiib.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo maanta dadaal ku bixinayay qancinta beesha diidan magacaabista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaalle.

Saraakiishan ayaa ku doodaya in iyaga xaq ay u leeyihii in loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir abaalna ay u galeen Madaxwayne Xasan Sheekh intii uu ku jiray Ololaha doorasho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.