Maraykanka oo qorsheynaya in uu cunaqabteynta ka qaado Eritrea

Washington ( Raxanreeb Online) Mareykanka ayaa doonaya in cunaqabateynta laga qaado Eritrea, isla markaana dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Asmara, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal.

Eritrea waxaa cunaqabateyn ku soo rogay Qaramada Midoobay sanadkii 2009-kii, kaddib markii ay taageertay maleeshiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Eritrea ayaa si adag u beenisay eedeymahaasi. Kaddib sanado badan oo cilmi baaris ah oo ay ka sameeyeen Soomaaliya iyo Eritrea, kooxda baarista Qaramada Midoobay ma helin cadeymo lagu qanci karo cunaqabateynta Eritrea ee 2009 ee taageerada maleeshiyada al-Shabaab.

Waxay ku eedaysay Maraykanka oo markaa u madax ka ahaa Obama inuu wado olole dublamaasiyadeed oo uu ku doonayo “in Eritrea loogu ciqaabo siyaasad madax-bannaan oo dibadda ah.”

Sidoo kale, bishii February 2017, Maraykanku wuxuu cunaqabatayn u gaar ah ku soo rogay ciidamada badda ee Eritrea, taasoo ka careysiisay dowladda Eritrea.

“Waa tallaabo dheeraad ah oo aan la fahmi karin oo aan macquul ahayn… waa ciyaar duug ah oo aan sharci ahayn,” ayay yiri Eritra.

Bishii Maarso 2021, Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay cunaqabatayn fiisaha ah oo ka dhan ah saraakiisha hadda joogta iyo kuwii hore ee dawladda, xubnaha ciidamada ammaanka iyo shakhsiyaad uu ku sheegay inay xiriir la leeyihiin ciidamada gobolka Tigray ee Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.