Ra’iisul wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb, waxaa wefdiga Ra’iisul wasaaraha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, saraakiil ciidanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato madaxda sare ee maamulka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dedaal badan ku bixineysa sidii deegaannada dowlad goboleedka Galmudug, loogu qaban lahaa doorashada Qof iyo Cod, si lamid ah gobolka Banaadir iyo maamulka koonfur galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.