Mareykanka iyo Soomaaliya oo kawada hadlay la dagaallanka Al-Shabaab

Mareykanka iyo Soomaaliya oo kawada hadlay la dagaallanka Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac ) ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha Cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika  ee loo yaqaan (AFRICOM) oo soo gaaray Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay soo dhawaynta kadib in uu taliyaha la wadaageen qorshaha sare u qaadida awooda ciidanka xoogga dalka si ay ula wareegaan amniga guud ee Dalka.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in taliyaha uu kala hadlay arimaha la dagaalanka  Alshabaab oo muddo dheer dalka ka dagaalamaya iyo sidii wax looga qaban lahaa iyaga oo iskaashanaya.

Sidoo kale Wasiir jaamac ayaa sheegay in  ay uga Mahad celiyeen doorka  AFRICOM ay ka qaadato sara u qaadida amniga geeska Africa.

Inta badan Taliska Ciidamada Mareekanka ee Afrika ee looyaqaan Africom ayaa Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay joogaan Al-Shabaab waxa ay ka fuliyaan duqeymo dhinaca cirka iyaga oo bar tilmaameedsanaya xubnaha sar sare Ee Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.