Muqdisho (Raxanreeb) Howlgal saacado badan qaatay ayna hoggaaminayeeen Taliyaha qeybta Bari, Taliyaha Saldhigga Booliiska Yaqshiid iyo guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa waxa ciidmada boolisku ka sameeyeen waqooyiga magaalada Muqdisho oo ay muddooyinkii dambe ka dhacayeen falal lidi ku ah amniga Caasimadda.
Howlgalkaan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen Aaga Isgoyska Fagax ee kala qeybiya degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid waxa ayna ciidamadu kula dagaalamayeen Ciyaal weerada iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa ka ganacsada.
Intii ay howlgalka ay ku guda jireen ciidamada ayaa waxa u bur buriyeen goobo lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya ee ku yaalla isgoyska Fagax, waxaana ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dad isticmaalayay iyo dadkii iibinayay, iyada oo Saraakiisha ciidamada ay sheegeen in howlgalkaan uu ahaa mid lagula dagaalamayay kooxaha ciyaal weerada ah, kooxaha hubeysan ee wadada falalka lidiga ku ah amniga iyo dadka ka ganacsada maandooriyaha.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimacaale oo tegay goobta uu howlgalku ka socday lana hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in howlgalkaan oo saacado badan qaatay ay ku guuleysteen inay burburiyaan sandaqo ama goobo lagu iibiyo calaqa waxa uuna digniin udiray dadka ka ganacsada maandooriyaha asigoona sheegay in marnaba la aqbali doonin in muqdisho lagu dhex iibiyo mukhadaraadka.
Sidoo kale guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa waxa uu u mahadceliyay ciidamada howlgalka fuliyay waxa uuna ugu baaqay inay sii laba jibaraan howlgalka ilaa inta muqdisho laga nadiifinayo Ciiyaal weerada, kooxaha burcada ah ee dhaca dadka iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha, howlgalkuna uu noqdo mid sii socda.
Howlgalkaan ay ciidamadu ka sameeyeen degmooyinka dhaca Waqooyiga gobalka Banaadir ayaa waxa uu qeyb ka yahay howlgallada ciidamada booliisku ay ka wadaan degmooyinka kala duwan ee gobalka Banaadir oo ay kula dagaalamayaaan Ciyaal weerada iyo ka ganacsiga Maandooriyaha, iyadoona dhinaca kalena ay xusid mudan tahay inay jiraan falal amniga lidi ku ah ee ka dhaca degmooyinka qaar balse laamaha ammaanka ayaa sheegay inay soo afjari doonaan dadka wada khal khal gelinta Amniga.
Leave a Reply