Maxaa ka jiro in dowladda Xasan Sheekh ay tababartay 9k oo ciidan

Maxaa ka jiro in dowladda Xasan Sheekh ay tababartay 9k oo ciidan

Muqdisho (Raxanreeb) — Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa soo dhoweeyay hakinta bixitaanka ciidamada ATMIS, wuxuuna kalsooni ka muujiyey in dowladda ay bilaha soo socda heli doonto ciidamo ku filan oo ay kula wareegto mas’uuliyadda.

Kamaal Daahir Guutaale, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda ay tababartay 9,700 askari tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay May 2022, ayna 3,000 oo dheeri ah ku tababartay Eritrea.

Waxa uu sheegay in weli ciidamo dheeraad ah lagu tababarayo dibedda.

Gutaale ayaa sheegay in dowladda ay ku kalsoon tahay in ciidamada Soomaaliyeed ay la wareegi doonaan mas’uuliyadda kadib hakadka 90-ka maalmood ah iyo bixitaanka xiga ee June 2024 oo dalka ay ka tagi doonaan 5,000 oo askari oo ATMIS ah.

“Waa arrin aan si dhab ah u qaadaneyno, haddana waa mas’uuliyaddeena inaan buuxino firaaqa,” ayuu yiri.

Guutaale waxa uu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay dhabarka u riteen labo shaqo oo kala ah — la-dagaalanka Al-Shabaab iyo qabsashada dhul ballaaran, halka sidoo kale la tababarayo ciidamo cusub.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay xoreeyeen dhul ballaaran, oo ah Muqdisho illaa Xarardheere, taas oo ah hawl aad u culus,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Madaxa howlgalka ATMIS ayaa ku baaqay taageero caalami ah oo la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr furin oo kala duwan oo dalka ah kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u iibsan karo hub.

Wareysi uu siiyey VOA Somali, ayaa Souef waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay “ciidan da’yar” ayna beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku taageeraan hub, rasaas iyo aqoon xirfadeed.