Ciidanka DFS & AS oo isku haya Sh. Dhexe & howlgal socda.

Ciidanka DFS & AS oo isku haya Sh. Dhexe & howlgal socda.

Mahadaay (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaaraya deegaano ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas ciidanka Dowladda ay ka wadaan  howlgal la sheegay in amniga lagu sugayo.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegaya in halkaas intooda badan ay ka socdaan , goobo la sheegay in laga saaray kooxda Al- Shabaab.

Ciidanka Dowladda ayaa lagu soo waramayaa in howlgalada ay ka wadaan , dhulka howdka ah ee deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali-Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamada ayaana dhulka howdka ah ka raadinaya kooxo Al Shabaab ka tirsan oo laga yaabo in ay ku jiraan, waxa ay sidoo kale ciidamada halkaasi kawadaan howlgalo ay ku xaqiijinayaan amniga dhulkaasi howdka ah.

Howdka deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali-fooldheere ayaa waxaa saldhig ka dhigtay godod waa weyna ka qotay dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab , kuwaa oo maalmo badan lagu garaacayay duqeymo ,sidoo kale lagu hayay weerar toos ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.