Maxaa looga hadlaya kulanka maanta ee mucaaradka iyo dowladda ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta markale magaalada Muqdisho, ku kulmaya xubnaha mucaaradka iyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka qabsoomi doonaa xarunta Nabad sugida, ku lee dahay Xeyndaabka Xalane ee Muqdisho.

Ilo xog-ogaal ayaa inoo sheegay in kulanka maanta looga hadli doono doorashada iyo nooca ay noqon doonto, iyada oo mucaaradka ay shalay shegeen in dalka ay ka dhici karto oo kaliya doorashada dadban.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa mucaaradka ku matalaya madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Siciid Deni, halka dowladda uu kaga qeyb galayo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.

Kulankan ayaa waxaa garwadeen ka ah safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska u jooga Soomaaliya, kuwaasi oo madaxda ku cadaadiyay in kulamadan ay qabsoomaan, isla markaana xal laga gaaro khilaafka taagan.

Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco   

Leave a Reply

Your email address will not be published.