Mucaaradka iyo dowladda oo maanta shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xeyndaabka Xalane, waxaa kulan ku yeeshay madaxda dowladda iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa mid xasaasi ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in xubnaha labada dhinac ay doodo adag ka yeesheen qodobo kala duwan, gaar ahaan galka Doorashooyinka oo ah kan ugu xaasisan laguna kala tagsan yahay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in si mariwaaga dhinacyada kaddib, markale ay berrito dib u balameen, isla markaana ay qodobada qaar soo gofeyndoonaan dhinacyada.

Villa Somalia ayaa doonaysa in la saaro guddiyo gaar ah oo Farsamo, taas oo ay uga gol leedahay in wada hadal lagu dhaafo 15-ka May, sida ay xoguhu cadeynayaan, balse golaha Mustaqbalka ayaa wali go’aankan qaadan.

Amniga goobta shirka ayay sugayeen ciidamada Ajaaniibta ah ee Ilaalada u safaaradaha reer galbeedka.

Wixii kusoo kordho warkan halkana kala soco

Leave a Reply

Your email address will not be published.