Maxaa sababay in Cabdalla Muumin xabsiga lagu celiyo?

Maxaa sababay in Cabdalla Muumin xabsiga lagu celiyo?

Muqdisho (Raxanreeb) — Cabdalla Axmed Muumin, xoghayaha ururka suxufyiinta ee SJS oo bishii hore xabsiga laga sii daayay kadib markii loo xiray arrimo amni ayaa mar kale xabsiga loo taxaabay, waxaana xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu sheegay in sii deyntiisa ay aheyd sharci darro.

Wariyahan ayaa markii hore xabsiga loo taxaabay bishii October ee sannadkii hore kadib markii dowladdu ay ku dhawaaqday inay la dagaallamayso warbaahinta daabacda waxa ay u aragto dacaayadda maleeshiyada Al-Shabaab.

Bishii hore ayay maxkamadi ku xukuntay Cabdalla Muumin labo bilood oo xarig ah, balse si lama filaan ah ayaa lagu sii daayay wax yar kadib markii uu xukunka dhacay, iyadoo saraakiisha sii deysay ay sheegeen inuu horay xabsiga ugu jiray.

Si kastaba ha ahaatee, Talaadadii, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in siideynta Muumin aysan lahayn saldhig sharci ah.

“Taliyaha iyo saraakiisha kale ee xabsiga dhexe ee Xamar waxay ka dhaga adeygeen amarkii maxkamadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya amarrada Garsoorka…waxay dib ugu celiyeen xabsiga 23-kii bishii February” ayuu raaciyay warsaxaafadeedkan.

Farriin qoraal ah oo uu Arbacadii u soo diray wakaaladda wararka ee AFP, guddoomiyaha ururka SJS, Maxamed Ibraahim, wuxuu ku sheegay in xarigga Cabdalla Muumin uu ahaa “mid sharci darro ah oo aan meelna ku lahayn sharciga Soomaaliya”.

“Waan cambaaraynaynaa, waxaana ku baaqaynaa in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo.” ayuu yiri Maxamed Ibrahim.

Kiiskan ayaa waxaa si weyn u dhaleeceeyay dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo kooxaha u dooda warbaahinta, kuwaasoo ku baaqay in la laalo eedeymaha loo heysto suxufigan, kahor inta aan la xukumin.

Amnesty International, Human Rights Watch iyo Machadka Caalamiga ah ee Saxafada ayaa sheegay in Cabdalla Muumin uu wajahayo hanjabaado iyo cadaadis joogto ah oo uga imaanayay maamullada Soomaaliya, isagoo u doodayay xuquuqda xoriyadda hadalka.

AFP/VOA