Hargeysa (Rqxanreeb) — Musharraxa Xilka Madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaani Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay Guddiga dhexdhexaadinta Jabhadda ku sugan Gacan-Libaax iyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Labada Xubnood ee Mucaaradka Xukuumadda Somaliland ayaa wadajir u sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka Guddigaas oo ah in buurta Gacan-Libaax laga soo dejiyo Ragga Hubeysan ee Jabhadda, Mag (Diyo) laga bixiyo Dadkii la dilay & in Xukuumaddu cafis u fidiso Jabhaddaas hubeysan.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa tilmaamay in maanta Somaliland ay u baahan tahay wadajir iyo is maqal si loogu guuleysto dagaallada uu sheegay in ay ku difaacayaan deegaannada ka maqan waa sida uu hadalka u dhigay.
“Anniga oo tixgelinaya in Hoggaanka Xisbiga WADDANI ergada siiyey kalsooni buuxda oo aan wax shuruudi ku xidhnayn, anniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Xisbiga WADDANI dhammaantii, waxa aan halkan ka caddeynayaa in aan aqbalnay go’aannadii ay xalay soo saareen ergadii dhexdhexaadinta wadday ee Beelweynta Habar Jeclo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro, musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa diiradda saaray kulamo aan dhammaad lahayn oo ka dhashay khasaaraha kasoo gaaray dagaalkii hubka, maxaabiista, Gaadiidka & xeryaha ciidan looga qabsaday ee 25kii Agoosto 2023 ka dhacay Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.
Somaliland ayaa ku goodisay in ay si awood ah dib ugu qabsan doonto Magaalada Laascaanood iyo deegaannada kale ay sheeganeyso in ay maamusho balse gacanta ku gashay Maamulka SSC-Khaatumo ee dhowaan looga dhawaaqay Laascaanood.