Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo Safiir ku xigeenka Mareykanka

Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo Safiir ku xigeenka Mareykanka

Kismaayo (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle oo maanta gaaray Kismaayo.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen Wasiirada Qorshaynta, Amniga, Arimaha gudaha iyo Madaxtooyada ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dagaalka ay wadaan Ciidanka Dowladda.

Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay xasilinta deegaanada laga wareegay Al-Shabaab iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah bulshada ku nool deegaanada la xoreeyay. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Waxaa kale oo Kulanka lagaga hadlay arimaha gargaarka iyo sidii xal waraa loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah isla markana loogu caawin lahaa dadka dhibanayaasha u ah sidii ay uga soo kaban lahayeen.