Beledwayne(Raxanreeb)Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa la sheegay inb looga dambeyn doonaa maamulka Maaliyadda gobolka, Hiiraan ka dib kulan ka dhacay magaalada Beledwayne
Shirka waxaa lagu sheegay in Guddoomiyr Cali Jayte dar-dar gelin doonaa sidii horay looga bartay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo ka socda gobolka Hiiraan.
Xubnahii maamulka ka midka ah oo shir Jara’id Seddax cisho ka hor ku sheegay in maamulka Maaliyadda Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle lagu wareejiyay, iyada uusan goobta joogin guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo madax kale oo maamulka ah, ayaa ka garaabay qaladkii ka dhacay.
Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdi Daahir Guure Karoore iyo wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle Muuse Salaad Wehliye Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa gunta dhiisha isaga dhigay soo afjarista qilaafkaasi.
Tani ayaa ka dhigan in Guddoomiye Jeyte uu afka ciidda u daray koox yar oo maamulka kamid ah oo waday Olole ah in dhaqaalaha kasoo xarooda canshuurta maamulka Gobolka Hiiraan uu qaado lagu wareejiyo Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle, iyada oo arrintaasi waxba ka ogeyn madaxda sare ee Hirshabelle iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Leave a Reply