Maxay qabanayaan xubnaha guddiga uu magacaabay Aadan Madoobe?

Sheekh-Aadan-Madoobe

MUQDISHO (Raxanreeb) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa soo saaray liiska guddi ka kooban 14 xobnood oo ka hawlgali doona xulista xubnaha guddiyada joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Guddiga la magacaabay ayaa waxaa ka mid noqonaaya:

1. Guddiga miisaaniyadda, maaliyadda, qorsheynta, iskaashiga caalamiga ah iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda.
2. Guddiga xeer hoosaadka, daryeelka, anshaxa iyo xasaanada.
3. Guddiga hormarinta adeega bulshada.
4. Guddiga Difaaca Qaranka.
5. Guddiga kheyraadka dabiiciga ah iyo bii’ada.
6. Guddiga arrimaha gudaha, maamullada gobollada iyo amniga.
7. Guddiga xaqiiqo raadinta, dib u heshiisiinta iyo hanti isu-celinta.
8 – Guddiga beeraha, hormarinta reer miyiga, xoolaha iyo kheyraadka badda.
9 – Guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha.
10 – Guddiga garsoorka awqaafta iyo arrimaha diinta.
11 – Guddiga warfaafinta, wacyi-gelinta, dhaqanka, boostada iyo isgaarsiinta.
12 – Guddiga xuquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bini’aadanimada.
13 – Guddiga arrimaha dibadda.
14 – Guddiga wadooyinka, dekedaha, garoomada, tamarta iyo gaadiidka.

Guddiyadan, ayaa mid walba waxa uu ka kooban yahay halkii guddi ayaa 17 illaa iyo 20 xildhibaan ka kooban mid walba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.