Maxay tahay ceelasha shidaal ee Itoobiya ka heleyso dhulka Soomaaliya?

Maxay tahay ceelasha shidaal ee Itoobiya ka heleyso dhulka Soomaaliya?

Muqdiaho (Raxanreeb) — Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa, ayaa shaaca uga qaaday wareysi uu bixiyay xogo xasaasi ah, oo ku saabsan dhulka Itoobiya la siiyay ee Somaliland, heshiiska is afgaradka ahaa ee ku gaareen Addis Ababa, oo ay ku jiraan labo ceel shidaal ah, dhulka la siiyay Itoobiya.

Wasiirka ayaa sheegay in dhulkan uu leeyahay kheyraad badan sidoo kalena horay baaris lagu sameeyay laga helay 2 ceel oo shidaal ah.

“Waxaa ku jira meeshaan ay rabaan in la siiyo Itoobiya, laba ceel oo shidaal ah, oo horay baaris loogu sameeyay” ayuu yiri.

Sidoo kale Wasiirka ayaa maamul goboleedka Somaliland, ku eedeeyay in kheyraadka Allah (SW) siiyay Ummadda Soomaaliyeed, ay siinayaan cadow, waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka.

“Kheyradkaas iyo kuwa kale oo uu Alle ku maneystay baddeena iyo dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa gacanta loo gelinayaa Cadow” ayuu yiri Maxamed Cali Xagaa.

Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay in Muuse Biixi Cabdi, in uu dhibaato weeyn u horseeday Ummadda Soomaaliyeed.

“Tallaabada uu Muuse u horseeday Soomaalida waa taariikh madow oo nin weyn oo 80 jir ah oo ciidan soo ahaa oo canshuurtii dalka wax lagu soo baray inuu maanta yiraahdo Itoobiya oo aan ognahay cadawaadda naga dhexeyso waa nasiib darro” ayuu yiri mar kale Wasiirka.

Itoobiya iyo maamulka Somaliland, ayaa heshiis is afgarad ah, ku gaaray magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, toddobaadkii hore ee lasoo dhaafay si loo aqoonsado Somaliland, ayay heshiiskan u gashay.

Somaliland, ayaa sheegtay in ay siisay Itoobiya dhul gaaraya 20km halka Itoobiya ay sheegtay in uu ka badan karo dhulka ay ka dhisanayaan dekedda.

Heshiiskan ee ay gaareen maamulka Somaliland, iyo Itoobiya, ayaa la kulmay dhalleeceeyn xooggan oo bulshada Soomaaliyeed iyo madaxdaba ah.

Sidoo kale dowladaha Qatar Masar dalalka Islaamka Midowga Yurub, Midowga Africa Mareykanka, ayaa Soomaaliya, garab istaag xooggan u muujiyay iyadoo Itoobiya ay dooneyso in Badda Soomaaliya, ay been been ku qaadato.