Maxay tahay sababta ka danbeysa kulankii labaad oo xiriir ah in uu baaqdo Golaha Shacabka

Maxay tahay sababta ka danbeysa kulankii labaad oo xiriir ah in uu baaqdo Golaha Shacabka

Muqdisho (Raxanreeb) — Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markale baaqday, kaddib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaannada Golaha.

Xildhibaano kooban ayaa tegay xarunta, balse kooramka oo buusami waayey kadib ayaa waxaa kulanka soo xirtay guddoomiye ku xigeenka koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin.

Waxa ay sheegtay in guddoomiyaha uu ku maqan yahay safar uu ku aaday magaalada Xudur, xildhibaanno badana ay raaceen, taasna ay ugu cudur daarayaan.

“In madaxdii sare ay maqan tahay, xildhibaano badana ay maqan yihiin oo ay raaceen cudur daarka xildhibaanada intaas ayaa loo sameynayaa,” ayey tiri Sacdiya Yaasiin.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay maadaama Sabtidii uu sidaan oo kale u baaqday kulankii Golaha Shacabka.

Xidlhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo hoolka kula hadlay Wariyeyaasha ayaa soo jeediyay in lala xisaabtamo xildhibaano maqan, kadibna tallaabo adag laga qaado.

“Waa nasiib darro in maalintii labaad uu kooram la’aan u baaqdo kulanka Baarlamaanka, waana in xildhibaanada maqan ay jeebkooda ka arkaan,” ayuu yiri Macallimuu.

Dhankeeda Xildhibaan Rowdo oo ka tirsan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaduna shaaca ka qaaday in arrintan lagu cuuryaaminayo Golaha, waxayna tilmaamtay in ay jiraan xildhibaano badan oo soo xaadiray fadhiga, balse diiday inay buugga saxiixaan.

“Xildhibaano ayaa yimid fadhiga, weyna diideen in ay buugga saxiixaan” ayey iyaduna tiri xildhibaan Rowdo.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Baarlamaanka Soomaaloya uu yaallo mooshin ka dhan ah Xildhibaan Sacdiya Yaasiin, kaas oo ay gudbiyeen xildhibaano ka tirsan Golaha, kuwaas oo ku eedeeyay inay xadgudubtay Diinta, kadib hadalkeedii xeerka Jinsiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.