Xasan Sheekh: “Waxaan dadaal gelin doonaa kuwa na garab istaagay”

Xasan Sheekh: “Waxaan dadaal gelin doonaa kuwa na garab istaagay”

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan, Amiirka dalka Qatar Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal kooban ay baahisay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Madaxda hambalyo ku aaddan Ciidda barakaysan ee Carafa, iyagoo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo sannado barwaaqo ah, waxayna muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliya.”

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Turkiga, Qatar iyo Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay ugu hambalyeeyeen Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda Carafa. Sida lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay dadaalka ay dowladdu gelinayso kobcinta xiriirka ay la leedahay dalalka walaalaha ah ee soo garab istaagay xilliyada adkaa. Ayaa lagu soo gababeeyay qoraalka ka soo baxay Aqalka dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia.