Maxey kawada hadleyn madaxweynayaasha Somalia iyo Turkiga ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Turkiga, Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan, khadka taleefanka kula hadlay .

Wadahadalka labada madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo arrimo ku saabsan gobolka iyo dunida inteeda kale.

Madaxweyne Erdoğan ayaa Madaxweyne Xasan u xaqiijiyey in Turkigu taageersan yahay himilada horumarineed ee Soomaaliya ee ku saleysan dimuqraadiyadda, isla markaana uu sii kordhin doono taageeradiisa dagaalka Soomaaliya kula jirto argagixisada.

Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga ayaa xusay in iskaashi rajo badan leh uu ka dhexeeyo Turkiga iyo Soomaaliya, kaas oo ay ugu muhiimsan yihiin dhinacyada tamarta iyo kalluumeysiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada ballaaran ee joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Erdoğan, ayaa u diray salaan iyo bogaadin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda soo socota ee Ciidda Carafo (Ciidul Adxaa) awgeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.