Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday xubno katirsan Al-shabaab

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday Eedeysanayaal katirsan Al-shabaab, oo ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Eedeysaneyaasha kala ah Maxamed Nuur Cali, afgarashadiisuna tahay Cabdimajiid, Cabdullaahi Xuseen Maxamed iyo Deeqoow Aadan Barre Balse kooxda dhaxdeeda loogu yeero Cumar oo dhamaantood isku wada tabbabar ah, Ayaa Shabakadaan uga wakiil ahaa Dilalka qorsheysan ee Gaadmada ah.

Hay’adda Nabad Sugida ayaa 28-dii Aqoosto 2024, waxa ay howlgal qorsheysan ku soo qabatay eedeysanayaasha iyo hub ka kooban saddex Bastooladood iyo labo Bam F1.

“Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed Webka, ayaa lagu eedeeyay in uu si gaara Shaqadiisu aheyd Qeybta Qaraxyada, waxaana galkiisa laamaha amniga ku jira in Qarax nooca Miinada Dhulka lagu aaso ah ka fuliyay laamiga dheer ee Degmadda Kaxda, qaraxaasi oo ay ku geeriyoodeen tiktokers muuqaalo ku duubaayey laamiga hareerihiisa, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka, ayaana qabatay isagga labadiisa Horjooge ee Yaasir iyo Guuleed oo uu u kala gudbinaya Subag”

Sidoo kale Farxaan Aadan Xassan, ayaa Qoryoolay uu ku dhashay uga soo cararay dugsi Diidnimo, waxaana laga diiwaan geliyay Safka Al0shabaab, Gaar ahaan Qeybta Dilalka qorsheysan iyo Qaraxyada.

Xassan Cali Ciire Kuuloow, ayaa isna lagu eedeeyay in uu shaqo suga u ahaa shabakadaan, waxaana uu gacan galay kadib tilmaam laga helay eedeysane Farxaan oo ay isku shaqa ahayeen.

Baaris dheer ka dib xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday Mudeynta Kiiskaan, waana laga aqbalay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

1.Maxamed Nuur Cali

2Cabdulaahi Xuseen Maxamed

3. Deeqoow Aadan Barre ayey Maxkamadu ku xukuntay min Toban Sano oo Xabsi Argagixiso ah.

4.Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed Webka, ayaa lagu xukumay Sadax sano oo Xabsi argagixiso ah.

5.Farxaan Aadan Xassan ayaa isna lagu xukumay Shan sano oo Xabsi Argagaxiso ah.

6.Xassan Cali Ciire kuuloow dib loo siiyay Xuriyadiisa.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Leave a Reply

Your email address will not be published.