Tehran (Raxanreeb Online) Field Marshal Asim Munir oo ah taliyaha ciidamada Pakistan oo u safray Tehran ayaa la kulmay oo wadahadal la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Iran, wada-hadalladan oo socday illaa xalay fiidkii, waxay labada dhinac kaga wada-hadleen dadaalladii dublamaasiyadeed ee ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo dagaalka, iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo ammaanka gobolka Galbeedka Aasiya.
Waa safarkii labaad ee Munir uu ku tago dalka Iran dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.
Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan ayaa sidoo kale booqasho ku tagay magaalada Tehraan markii labaad dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana uu kulamo la qaadanaya madaxda Iran.
Pakistan ayaa hadda dhexdhexaadinaysa wada xaajoodka Iran iyo Maraykanka.

Leave a Reply