Hoggamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo gaaray Diinsoor

Hoggamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo gaaray Diinsoor

Diinsoor (Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim, ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Safarkan shaqo ayaa ahaa qiimeynta xaaladaha guud ee degmada, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha bini’aadanimada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada Diinsoor.

Masuuliyiinta ayaa kulan la yeeshay maamulka degmada, saraakiisha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo warbixinno ka dhageystay xaaladaha jira iyo baahiyaha mudnaanta leh ee degmada.

Safarka ayaa qeyb ka ah dadaallada Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu kuurgelayaan xaaladaha deegaannada, si loo xoojiyo amniga, loo dardargeliyo adeegyada bulshada, loona taageero mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.