Maxkamadda G/Banaadir oo amartay in lasoo xiro mid ka mid ah guddoomiyaasha deegaanka Garas Baalleey

Muqdisho (Raxanreeb) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar qabasho oo lagu soo xirayo guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee deegaanka Garasbaaleey, Guuleed Cabdi Xuseen.

Maxkamadda ayaa amartay Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir in uu 24 saacadood gudahood uu kusoo qabto guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee deegaanka Garasbaaleey.

“Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, oo warqadaan sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa in uu horkeeno Maxkamadda gobolka Banaadir eedaysane Guuleed Cabdi Xuseen oo ku magacaaban Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada deegaanka Garasbaaleey, kaasi oo is-hortaag shaqo iyo handadaad ku sameeyay Maxkamadda gobolka Banaadir, Maxkamadda Racfaanka gobolka iyo Maxkamadda Sare ee dalka,” ayaa lagu yiri warqada kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir.
Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee deegaanka Garasbaaleey ayaa waxa lagu eedeynaya in uu awoodiisa u adeegsaday is-hortaaga shaqada Garsoorka oo booqday dhul ku yaalla Garasbaaleey iyo ku-xadgudubka qoddobada kala ah: 267, 265, 269, 263, 250, 25 XCS.

Warqada qabashada guddoomiyaha ee maanta kasoo baxday maxkamadda ayaa sidoo kale waxa kala socda Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.