MD Xasan oo isbahaysi cusub ku biiraya  Adis ababa oo arintaas looga hadlayo

MD Xasan oo isbahaysi cusub ku biiraya  Adis ababa oo arintaas looga hadlayo

Adisababa(Raxanreeb)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxa ay ka arrinsanayaan dib-u-habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni, iyadoo la gorfeynayo xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya

Dowladii Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi ayaa sidan oo kale waxa ay isbahaysi la lahayd dalalka Itoobiya Eratria kaas oo meesha ka baxay markii xilka Madaxwayne Xasan Sheekh uu xilka ku guulaystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.