XOG:MUQDISHO kama-dhaqangalin go’ aankii MD Xasan ee mamnuucista “hubka”

XOG:MUQDISHO kama-dhaqangalin go’ aankii MD Xasan ee mamnuucista “hubka”

Muqdisho (Raxanreeb) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in magaalada Muqdisho mamnuuc ay tahay in hubka culus lagu dhax sito , taas oo ay soo dhaweeyeen dadka caasimadda nool oo qaati ka taagan dhibaatada hubka.

Taliska ciidanka Booliska ayaa sheegay in dadaal ay ugu jiraan sidii uu u dhaqan gali lahaa go’ aankaas ah in hubka lagu sito magaalada Muqdisho inkastoo booliska ay sheegayaan in ay dhaqan galinayaan hadana waa wali oo xaajadu waa fara kama qodna.

Siyaasiinta tunka culus ayaa ka kuwi wali caasimadda ku dhax sita hubka culculus waana meelaha aanu ka dhaqan gali doonin go’ aanka Madaxwaynaha ah ee ah mamnuucista hubka culus , si looga fogaado dhibaatada dadka ay kala kulmaan hubkaas culus.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in weli siyaasiyiinta iyo mas’uuliyinta dowladda aysan u hoggaansamin ammarkii Madaxweynaha ee ahaa in aan hub culus lagu dhex qaadan karin Magaalada Muqdisho, ayna jiraan shaqsiyaad hub ku dhex wata magaalada.

Hadalkan ayaa ah mid  cadayn u ah sida magaalada Muqdisho ay uga adag tahay in hubka culus laga mamnuuco waxaana waddooyinka wali lagu arkayaa siyaasiin hub culus uu u saaran yahay gadiidkooda.

“Weli si caadi ah ayaa Magaalada Muqdisho loogu dhex wataa Qorriyihii waaweynaa ee Gawaarida ku xirnaa iyo kuwo kale, taasina lama aqbali karo” ayuu markale yiri Taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi.

Dhibaatada ugu badan ee hubka culus ayaa ah in marka siyaasiinta ama saraakiisha Dowladda rasaas ay ku furtaan waddooyinka xiliyada mashquulka badan uu ka jiro taas oo keentay waxyeelo in ay soo gaarto shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan soo saaray amar lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka waaweyn, iyadoo amarkaasna uu weli u muuqdo mid aan loo hogaansamin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.