Laascanood (Raxanreeb ) Wararka aan ka helayno magaalada Laascanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay ganacsade caan ka ah magaalada
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dilka ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray Jaamac Cilmi Kadiye (Jaamac Qaxooti) ay ka danbeeyeen koox hubaysan oo aan la aqoonsan ilaa iyo hadda.
Goobta dilka uu ka dhacay , waxaa soo gaaray ciidamo ka mid ah dadka deegaanka kuwaas oo howlgal ka fuliyay hareeraha halka uu dilka ka dhacay.
Ma cadda sababta loo dilay ganacsade Jaamac Qaxooti, sidoo kalena lama garan haybta ragga dilay oongoobta ka baxsaday.
Dilkan ka dhacay , magaalada Laascanood ayaa noqonaya kii seddaxaad oo muddo todobaad ah ka dhaca magaalada Laascanood ee gobolka Sool
Magaalada waxaa in muddo ah ku dagaalamayay ciidanka deegaanka iyo kuwa Somaliland oo aan wali wax xal ah laga gaarin xiisada halkaas ka taagan.
Dadka deegaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya dilka loogu gaystay magaalada Laascanood mid ka mid ah ganacsatada caanka ka ah magaalada.
Leave a Reply